Ahmiyada
cuntada ee ugu weyni waa inaad kunoolato, sidoo kale inaad kutamariso oo aad kahesho
tamar ay kushaqeyaan unugyada jidhkaagu.
Cuntadu
waxay dhistaa ama qaabaysaa jidhka bila’aadankaa, waxay kahortagtaa ama
dawaysaa dhibaatooyinka caafimaadka een laga dhaxlo cunto la’aanta.
Cunto
caafimaad leh inaad raacdo midaamka cunista cunto caafimaad len ama hadaan
sikale udhigno cunto isku dheeli tiran waxay kaa caawisaa ilaalinta
cafimaadkaaga jidh ahaaneed iyo kahortagida xanuunada.
Cuntadu
waxay uga timaada bila'aadanka laba ilood oo dabeeciya oo kala ah Xoolaha nool
iyo Dhirta, waxay uqaybsantaa cuntadu 5qaybood oo waa weyn oo kala ah sidan
hoos kuqoran.
5ta
qaybood ee cuntada
1. Booratiino
2. Vitamiino
3. Dufan ama Dux
4. Macdano
5. Kaarboonhaydarayt.
Hadaan sharax yar oo kooban kabixino 5tan qaybood ee
cunta.
Booratiino: Waa maadada
sahasha ama gargaarta dhisidda unugyada jidh oo ay qayb weynkaqaadanaya koriinka iyo bogsasho jidhka marka nabaro
inagu dhacaan.
Booratiinada waxyaabaha laga helo waxa kamida:
Hilibka,
Caanaha,
Beedka, Midhaha dhirta sida: Digirta.
Vitamiino: Waxay
muhiim uyihiin difaaca jidhkeena inay kadifaacan xanuunada waxay kala muhiin
uyihiin koritaanka iyo nafaqada jidhka waxayna uqaybsamaan ilaa 6qaybood.
Vitamin A,
Vitamin B,
Vitamin C,
Vitamin D,
Vitamin E, iyo Vitamin K.
Vitamiinada waxa laga helaa meelo kala duwan sida:
Qoraxda, Khudrada, Kaluunka, Caanaha iyo hilibka.
Dufan ama Dux: Inta ugu
badan waxay kayimaadan xoolaha sidoo kale waxay kayimaadan dhirta.
Waxyaabhaa dufanka laga helo waxa kamida:
Subaga,
Baruurta,
Labeenta caanaha,
Burcadka iyo saliida
Macdano: Waa
nafaqooyin yar yar oo uu jidhku ubaahanyahay faa’idooyin badan uleeyihiin.
Macdahana qaar kood sida Calcium,Magnesium waxay
ufiicantahay cafimaadka lafaha, waxayna xoojisaa lafta oo awood siisa.
Cuntooyinka laga helo macdahana waxa kamida:
Beerka
Kelyaha
Waxyaabaha caanaha laga sameeyo sida: Yoghurt, cheeseka.
Karboonhaydarayt: Waa qaybta
tamarta cuntada jidhka bila’aadanka si uu usiiyo firfircooni waxyaabaha laga
helo waxa kamida:
Roodhida,
Baastada,
Bariiska iyo Khudrada.
✍️Xamda Nasrudiin
Comments
Post a Comment