ℕ𝕒𝕗𝕒𝕒𝕒𝕕𝕒𝕣𝕒𝕕𝕒 𝕔𝕒𝕣𝕦𝕦𝕣π•₯𝕒.

                                  

 

Nafaqadaradu badanka waxay kudhacdaa caruurta dadka danyartaa ay dhaleen, sababtoo ah caruurtoodii uma awoodaan inay uhelaan cunto isu dheeli tiran.

Tani waa sababta Waddamada soo koraayo ay badanka caruurtoodu u dhintaan nafaqo-darado. Taas oo ah nooca jirka uu waayo nafaqo ku filan, Halka taa caksigeeda wadamada horumaray ay ka cabanaayaan nafaqo-dardada nooca  jirka uu helaayo nafaqo xad dhaaf ah oo ay caruurtoodi kusababtay xanuuno sida: Subaga, Macaanka.

Nafaqa-darada caruurta waxa loo qaybiyaa laba qaybood oo kale duwan

1.     Ilmaha oo ay kadhimaan ama kuyaryihiin nafaqooyin aad iyo aad ugu muhima kadibna ilmihii difaaciisi uu yaraado oo uu kudhaco ama unuglaado caabuqyo fara badan

2.     Ilmaha oo ay nafaqadu kubadato siiba nafaqada Duxda oo ilmaha kusababta xanuuno sida: Karastaroolka ama dhiig subaga, Macaanka.

Caalamadaha Nafaqo-darada lagu garto waxaa kamid Ah;

ΓΌ  Culeeska ilmaha oo hoos udhaca

ΓΌ  Ilmaha oo koriinkiisu uu kayaryahay da’da uu jiro.

ΓΌ  Ilmaha oo awood dareeya uu itaalkiisu yaraado.

ΓΌ  Amateed xumo xaga cuntadaa oo lasoo derista ilmaha

ΓΌ  Timaha ilmaha oo umuuqda qaar qalalan oo go’aya.

ΓΌ  Oohin badan oo uu ilmuhu yeesho.

ΓΌ  Dabeecada oo ilmaha kaxumaata.

ΓΌ  Calool weyn oo bararsan isagoo ilmihii yaraa aad udhuubanyahay.

ΓΌ  Ilmaha jidhkiisi oo gurma oo ay kadhamaato baruurtii ama cabudhkii uu lahaa.

 

 

Sidee ayaa looga Hortagi Karaa Nafaqo-darada?

ΓΌ Naas nuujinta: ilmaha oo lasiiyo naaska ilaa intuu kagaadhayo sanad, naasku ilmaha wuxuu uyahay talaal oo xanuuno badan ayuu kadifaaca, waxkasta oo uu ubaahanyahayna wuu kahelaya 8bilood ee ugu horeysa.

ΓΌ  Cunista Cuno isudheeli tiran taas oo kahortag weyn uga noqota ilmaha nafaqodarada.

ΓΌ  Ilmaha hadii uu shuban kudhaco in lasiiyo ORS.

ΓΌ  Siinta ilmaha khudrada noocyadeeda kala duwan.

ΓΌ  In lala socdo xaalada caafimaad ee uu ilmuhu kujiro marba.

ΓΌ  In ilmaha lasiiyo talaal kaas oo kahortag uga noqan kara ilmaha in xanuuno kudhacaan kadibna ay ilmihii kusababaan nafaqodaro.

ΓΌ  Wacyigelin bulsheed ayaa muhiima oo ay hooyooyinku bartaan waxa ay tahay nafaqadaradan oo aqoon uyeesha wuxuu ilmahoodu ubaahanyahay.

ΓΌ  Kudadaalka nadaafada haday tahay ta deegaanka ilmuhu kunoolyahay iyo waxa ilmuhu quudanaya, sidoo kale ilmaha loogu dadaalo faraxalka markuu wax lasiinayo ilmaha gamcaha lanadiifiyo.

 

Dhibaatooyinka ilmuhu kadhaxlo Nafaqo-darada.

ΓΌ  Nafaqodaradu waxay saameyn weyn kuyeelata koritaanka ilmaha jidh ahaan iyo maskax ahaanba.

ΓΌ  Nafaqodarada saayidkaa waxay kusababtaa inuu kori waayo ilmaahi ama uu hagaaso.

ΓΌ  Waxay nafaqadaradu ilmaha kusababtaa sida ugu badan inay xanuun ka bixi wayaan, taasna waxa weeeye wooda jidhku kula dagaalamo cudurada oo meeshii kabaxaysa ilmihiina uu unuglaanayo xanuunada.

ΓΌ  Waxa ku bata ilmaha inay kudhacaan xanuunada infekshanka iyo shubanka.

ΓΌ  Nafaqadaradu waxay  kusababtaa inuu dhaco fuuqbax baahsan oo keeni kara dhimasho.

ΓΌ  Caruurta ay hayso nafaqadaradu waxa sidoo kale kudhaca dhiig yaraan ama dhiig la’aanba.

Ilmaha haday kuba dhacday nafaqo daradii waxay tahay waalidku inay ilmaha ugu dadaalan cuntooyinka nafaqada leh, ilmuhu markiiba wuu kabtaa oo waqti yar ayuu kusameeya isbedel kabasho ama bogsasho.

Akhris wanaagsan Insha Allaah waxan rajaynayaa inaad waxbadan ka faa'idi doontaan.

✍️Xamda Nasrudiin.

 

 

Comments