Ababintu waa habka ilmaha lagu baro siduu
ubaran lahaa sida cuntada loo cuno.
Ilmuhu markuu dhasho waa sida cajalad madhan
ama warqad cad oo waxa aad kuduubto ama kuqorto uun hadhaw laga helaayo,
waxkasta oo noloshiisa kamidana waa in loobaraa sida ugu haboon, ugu
munaasibsan ee beri anfici doonta hadii kale way qaloocanaysaa ilmahaa
noloshiisu oo ilmo aan dhamaystirnayn oo mustaqbal fiican aan lahayn ayaa soo
baxaaya.
Waqtigaa uu ilmuhu kujiro noloshiisa
7sano ee ugu horeysaa waa inta noloshiisa ugu muhiimsan ee tahay in loo
tababaro sida ugu haboo loona diyaariyo mustaqbalka kuwajahan, noloshiisa if
iyo aakhiraba. Hadii waalidka ilmahan dhalay aanay ahayn waalid aan aqoon
ulahayn habka barbaarinta toosan waa inuu laxidhiidha cid aqoon u leh oo uu
talooyinka kaqaataa, kudhaqmaa talooyinka iyo tabahaa lasiiyo. Waxa umuhiimana
inuu bartaa aqoonta barbaarinta oo uu kuxidhmaa goobaha lagu barto. Sababta aan
uleeyahay habartaan waalidku nolosha oo dhan ayaa kuxidhan barbaarinta oo ilmo
dhamaystiran oo iskufilan ayaad soo saaraysaa oo aakhiro iyo aduunba ku
anfacaaya hadii ILLAAHAY s,w,t kuu daayo ee hadaba aad iyo aad ugu dadaal,
waana fariinta aan uga tegaayo qof walba oo qoraalkan akhrindoona.
Hadaan
ugalo mawduuca aan maanta kahadlaynaa waa Ababinta Caruurta. Ilmaha ababintiisu
waxay bilaabataa marka ay kasoo muuqdaan calaamadaha lagu garanayo in ilmahani
gaadhay waqtigii uu cunto ubaahnaa, da’ ahaana uu maraayo 4 ilaa 6 bilood.
Hadaba su’aal ayaa halkaa kadhalanaysa hadii ilmihii la ababiyay oo uu cuntadii
bartay malaga deynayaa caanihii naaska?? Jawaabtu iyadoo kooban waa maya ilmuhu
wuu u sii baahanyahay caanaha naaska ilaa uu kagaadhayo 1sano.
Ilmuhu
wuxuu kahelaa caanaha naaska vitamino,booratiino iyo dhamaan nafaqooyinka uu i ubaahanyahay ee muhiimka u ah oo uusan
cuntada kawada helaynin, markaa ilmaha ilaa inta uu kagaadhayo 1sano way
ufiicantahay caafimaad ahaan in lasiiyo caanaha naaska.
Calaamadaha lagu garanayo ilmuhu inuu gaadhay xiligii ababinta.
§
Isrogista: Inuu ilmuhu isrogi karaayo uu madixiisa kor uqaadi
karaayo in cabaarana uu kor uhayn karaayo.
§
Afka laraacid qofka wax cunaaya: Ilmuhu markuu arko waalidkii oo wax cunayaa uu afka
laraaco cuntadii.
§
Raabsiga: Ilmuhu inuu raabsado ama calaalin uu sameeyo sidii
qof wax cunaaya afkiisa oo madhan.
§
Carabka: Ilmuhu inuu carabkiisa maamuli karaayo oo cuntada
afkiisa kasoo saari karaayo oo iska soo tufi karaayo, isagoo carabka banaanka
usoo saaraaya.
§
Fadhiga: In uu ilmuhu fadhiisan karo oo dhabarkiisu adkaaday.
§
Doonis: In uu ilmuhu sameeyo doonis ama hungurayn cuntada oo
uu u ooyo markuu arko waalidkii oo wax cunaaya, caanaha oo ilmaha ku filnaan
waaya oo uu gaajo dareemo.
Ilmaha marka la ababinaayo waxa haboon
in labaro dhadhano fara badan oo cunto ah si uu ubarto dhadhanada cuntada oo
aanay hadhaw caqabad ugu noqon in cuntooyinka qaar ilmiha faa’ido uleh uu cuni
waayo dhib weyn kunoqoto baristeeda isagoo ilmihii weynaaday. Cuntooyinka ilmaha
labaraayo dhadhankooda waxa haboon in cunto walba goonideeda loo dhadhansiiyo
oo aan cuntooyinka laysku dhex darin, oo uu cunto walba iyo dhadhankeeda uu
sideeda ubarto.
Sidoo kale waxa haboon cuntooyinka
xasaasiyada keena iyagana in aad looga fiirsado oo lagu xisaabtamo in familyga
ilmuhu cuntooyinka qaar ay kuleeyihiin xasaasiyad waxa haboon cuntooyinkaa in ilmaha
lagu eego si tartartiiba iyagaan waxba kale lagu dhex darayn si loo ogaado in
ilmuhu cuntadan xasaasiyad kuleeyahay oo aan lasiin karayn iyo inkale.
Ilmaha ay dib uga
dhacdo ababintu waxa adkaata inuu cuntada laqabsado, sidoo kale waxa
kaxumaanaya amateedka, markaa waxa haboon in xiliga ku haboon ilmaha la
ababiyo.
Cuntooyinka
ugu haboon ee ilmaha lagu ababin karo.
Khudrada aan kariska u baahnayn ee
ilmaha inta malqacada lagu dilo lasiinaayoo kuwooda ugu jilicsan macaankana leh
ee aan lahayn midhaha badan iyo lafta adagtoona.
Muuska
Tufaaxa
Cambaruudka
Shamaamka
Khudrada lakariyo teeda ujilicsan in
dheefshiidka ilmah uu markiiba shiido aan culeysna lahayn.
Dabacasaha
Kaabashka
Kuusada
Kostada
Baradhada
Cuntooyinkan ilmaha waxa loosiinaya qado
ahaan si maalinta oo dhan ay ushiidanto oo aanu ilmuhu kuseexan.
Xadi yar oo kufilana ilmaha sii adaan
kubadinayn ugu badnaan 150gm.
Ilmuhu intuu kayar yahay hal sano
cuntada waad siin kartaa se haduu gaadho hal sano waa in ilmaha loo ogolaado
inuu isagu cuno oo waalidkuna ay cuntadooda soo qaatan oo ku ag cunaan si’ uu
ugu daydo, ilmuhu waxa uu arko iyadoo inbadan lasamaynayo isaguna wuu kudaydaa
oo uu sameeyaa een aan unoqono ubadka tusaale wanaagsan. Mawduuceenanu halkaas ayuu
inoogu xidhanyahay.
Wabillaahi Tawfiiq.
Comments
Post a Comment