π•‹π•’π•£π•“π•šπ•ͺ𝕒𝕕𝕒 𝕔𝕒𝕣𝕦𝕦𝕣π•₯𝕒

 


Waxan iskudayayaa illaahayna hayla qabtee inaan kayara hadlo mawduuca ah "Tarbiyatul awlaad"

Ilmuhu waa cejelad madhan cejeladaasna waxaad kuduubto ayaa kaagasoo baxaaya, ee hagaajiso waxa kagasoo bixidoona.
Waxa nebigeeni subana s,c,w uu inoo sheegay
ΩƒΩ„ Ω…ΩˆΩ„ΩˆΨ― ΩŠΩˆΩ„Ψ― ΨΉΩ„Ω‰ الفطرة ΩΨ£Ψ¨ΩˆΨ§Ω‡ ΩŠΩ‡ΩˆΨ―Ψ§Ω†Ω‡ أو ΩŠΩ†Ψ΅Ψ±Ψ§Ω†Ω‡.
Cejeladaa madhan ee rabi kuhibeeyay si'aad ugu aydo maalinta aad aduunkan faaruqiso bar wanaaga, dhibirsanaan iyo akhlaaq tan ugu wanaagsan ee uu umada uu dhexgelidoono kula dhaqmo.
Tarbiyaynta caruurtu waxay martaa marxalado kala duduwan oo kuxidhan ilmaha koriinkiisa, waxayna tahay inay hooyadu garanayso marxaladahaa mid walba ilmaheedu tarbiyada uu ubaahanyahay da'da uu markaa kujiro.
Ilmahaaga waxa ugu horeeya ee aad ku hadaaq bartaa hanoqoto magaca RABI kelmada ALLAAH waa kelmad ufudud carabka caruurta, markaa ka ilaali waxan taaa ahayn inuu kuhadal barto.
Ilma walba waxa saamayn kuyeelata 5sano ee noloshiisa ugu horaysa wuxuu kusoo koro iyo dhaqamada dadka kuxeeran ay samaynayaan, markaa unoqo ilmahaaga tusaale wanaagsan oo uu wanaag kaga daydo, tusaale ahaan "hadii ilmahaagii ku arko adaan foodba salaad dhigayn maalinta uu gadho waqtigad salaad bari lahayd mabari kartid", "hadii uu arko dhawr jeer qof tukanaya wuu kuweydiin waxa qofkan samaynayo adna maxad usamayn wayday hooyo ayuu kudhi"
Ilmahan waa masuuliyad rabi kudhiibtay kagalana xisaabtayo maalinta qiyaame sidaad usoo barbaarisay, waxana taa cadayn u ah xadiiskii nebigeena s,c,w.
ΩƒُΩ„ُّΩƒُΩ…ْ Ψ±َΨ§ΨΉٍ، وَΩƒُΩ„ُّΩƒُΩ…ْ Ω…َΨ³ْΨ¦ُΩˆΩ„ٌ ΨΉَΩ†ْ Ψ±َΨΉِيَّΨͺِΩ‡ِ، وَΨ§Ω„ْΩ…َΨ±ْΨ£َΨ©ُ Ψ±َΨ§ΨΉِيَΨ©ٌ ΨΉَΩ„َΩ‰ Ψ¨َيْΨͺِ Ψ¨َΨΉْΩ„ِΩ‡َΨ§ وَوَΩ„َΨ―ِΩ‡ِ، وَΩ‡ِيَ Ω…َΨ³ْΨ¦ُΩˆΩ„َΨ©ٌ ΨΉَΩ†ْΩ‡ُΩ…ْ.
Ilmaha waxa haboon in laba meel laga koriyo
Jidh ahaan wuxuu cunayo oo lasiiyo wax cafimaad ahaan kuhaboon.
Maskax ahaan in lagala hadlo wax fiican.
Qodoban hoos kuqoran hanoqdaan qaar aad kashiidaal qaadato.
1.hanoqdo ilmahaagu mid kudhawaaq barta wax illaahay raali kayahay.
2.ilaali dhegaha iyo indha ilmahaaga yuu kamaqlin hadalo adadag, afxumo iyo cay.
3.Bar siduu ubaran lahaa rabiga abuurtay isaga/iyada iyo kawnkan aan saranahayba.
4.Bar siduu ula dhaqmilahaa bulshaduu dhexgeli doono.
5.Bar waxa xaq loogu leeyahay iyo wuxuu isagu xaq uleeyahay.
6.Lanoqo saxiibka ugu dhaw ee uu wax walba kala hadli karo.
7.Bar caawinta iyo taban taabinta dad jilicsan.
8.Uga waran qisooyin ama sheekeeyin dhaqan, iyo diiniyan una soo qaado tusaaleyaal cad cad oo samayn kuyeelan kara fikirkiisa.
9.Bar ilmahaaga sida suuban in cuntada loo cuno ee ah sunaha nebigeena s,c,w.
10.Iskuday ilmaha inaad barto dhaqankiisa iyo afkiisa, weliba afku aadbu muhiim uyahay waana sababta loogu tilmaamo afka hooyo waana mid uu noloshiisa dhan ubaahan yahay qodobkan wuxu quseeya qolyaha aan wadaka joogin iyo kuwo wadanka jooga afqalaad ilmihii iskudayaya inay baraan.

iskuday inaad noqoto barbaariso/barbaariye fiican.

Comments