β„‚π•’π•“π•–π•–π•“π•œπ•’ π”Έπ•—π•œπ•’ 𝕖𝕖 ℂ𝕒𝕣𝕦𝕦𝕣π•₯𝕒.

 

Cabeebku waa xanuun kamida xanuunada ugu badan ee caruurta kudhaca, Xanuunkan ama cudurkani wuxuu ku dhacaa qowlalada afka, carrabka iyo dhanxanaga afka. Waxaa keena nooca jeermiska la yiraahdo Fungi.

Maxaa kusababa Ilmaha Cabeebka.

·        Cabeebka waxa keena ama uu kuyimaada difaaca jidhkaee ilmaha oo hoos u dhaca.
·        Ilmaha oo miisanka uu kudhashay yaryahay waxay kukeenta inuu u nugulaado xanuunka cabeebka ama siyaroo sahaala uu kuqaadi karaayo.
·        Waxa kale oo dhacda caruurta yar yari waqtiga ay hooyadu umulayso ee ay soo marayaan marinka dhalmada in uu ilmuhu qaadi karaayo xanuunkan, marinkaa uu ilmuhu soo maraayo uu jeermiskani kunoolyahay, oo uu ilmuhu  kasoo qaadi karaayo xanuunkan.
·        Caabuqa cabeebka ayaa sidoo hooyada iyo ilmuhu isu gudbiyaan hadii ibta naaska hooyada uu hayo xanuunkan oo ah meelaha uu kudhaco, kadib naaska la nuujinayo ilmaha halkaasna uu ilmuhu kuqaado cabeebkii. Sidoo kale ilmuhu wuu ugudbin karaa naaska hooyada hadii uu cabeebka uu hayo ilmaha.

Calaamadaha lagu garto cabeebka.

 ·        Afka gudihiisa oo ilmuhu kuyeesho nabaro cad cad, sidoo kale afka dhinacyadiisa ayaa marmar dhacda in ilmuhu kuyeeshaa finan yar yar oo cas cas.

·        ·        Carabka, dhanxanaga ama daamanka gudahooda oo aad u xanuuna ilmaha markaa uu wax cunaayo iyo markuu wax cabaayo.

·       ·        Caruurta waxay afka gudihiisa oo dhan kuyeeshaan cadaan dahaadha.


Daryeelka iyo habka loo wajaho cabeebka.

·        Marwalba oo aad ilmaha wax siinayso gacmahaaga ku maydh biyo iyo saabuun.

·        Musaasaad ilmaha in marwalba lanadiifiyo iyadoo lakarkarinaayo.

·        Naaska oo ilmaha intaan lasiin lagu maydho biyo diiran kadibna laqalajiyo.

·        Kadib marka ilmaha lanuujiyo in naaska lanadiifiyo si’aan hooyada aanu ugu gudbin xanuunka cabeebku.

·        Hooyaduna waa inay isticmaasha maalin walba keeshali nadiifa.

 

Goorta ay tahay in dhakhtarka ilmaha lageeyo.

Hadii ilmaha uu hayo cabeebku 2-3 wiig waa inaad dhakhtarka gayso.

Marka aad aragto in ilmaha ay aad udhibayso cunista iyo cabitaanku, in sidoo kale uu ilmuhu leeyahay oohin aad ubadan.

 

Sida loo daweyn karo cabeebka.

·        Daawooyinka loogu tala galay cabeebka waxaa ka mid ah kareem la mariyo afka iyo jel ama dhiiqo la mariyo ama lagu shubo afka.

Kiriimada ama dhiiqooyinkan marka aad ilamaha afka umarinayso waa inaad iskuday daa in aanad ilmaha ka gaadhsiin cunaha. Waa inaad sifiican ugu marisaa carabka, qawlalada, daamanka iyo dibnaha.

Marwalba oo aad ilmaha dawada umarinayso afka waa inay gacmahaagu nadiif ahaadan, dawada afkeeda aanay gacantaadu gaadhin.

·        Hadii cabeebku yahay mid aan dhiiqadaas daweynayn waxa lasiiya ilmaha kaniin iyo irbad.

·        Iska ilaali ilmahaaga inaad siiso dawo dhireed ama dawo dhaqameedyo ilmuhu aanu xamili karayn oo lagayaabo marar badan in ay ilmihii ugasii daraan oo ilmuhii ay dhaawac gaadhsiiyaan. Oo ay waqti dheer qaadato in nabaradii bogsoodaan amaa caabuqii cabeebku uu sii bato.

Comments