Cuntooyinka kor uqaada koritaanka caruurta.

 

 Ilmuhu intuu kujiro waqtiga koritaankiisa wuxuu ubaahanyahay inuu helo cunto isu dheelitiran oo ay kujiraan booratiino, fiitamiino, macdano, tamar, si uu uhelo koriimo xoogan iyo caafimaadba.

Sanadaha ugu horeeya ee caruurta  waa waqtiga uu ugu badanyahay koriinkiido waana waqtiga ay ugu baahi badanyihiin inay helaan cuntooyin isu dheeli tiran haday waayaana ay ku keeni karto dhibaatooyin sii daba dheeraada oo saameeya waqtiya dambe ee uu ilmuhu waynaado xitaa inuu noqdo mid cunto xun. Sidoo kale waxa hoos udhac weyn ku imanayaa ilmaha koriinkiisa jidheed, kamaskaxeed.

Sidaa darteed waa in ilma walba helaa cunto isu dheeli tiran oo ay kujiraan dhamaan  waxyaabaha uu ubaahanyahay inuu kukoro ilmuhu.

Maxay yihiin cuntooyinka isu dheelitiran?

Cunto dheeli tiran waa cuntoyinka laga helo dhaaman nafaqooyinka jidhka dadku  ubaahanyahay si aw ugu shaqeeyo sida ugu haboon.

Cunto dheelitiran waa cunto dhammaystiran oo ka kooban karbohaydraytyo, booratiino,dufan, vitamiino, iyo macdano si loo daboolo baahida jidhka.

Cuntooyinka dheeli tiran waa qaar u ah muhiim jidhka iyo unugyadiisa koritaankaba,  waxay ubaahanyihiin caruurtuna inay helaan xadi kufilan si’uu koritaankoodu isugu dheelitirnaado. Hadii aanay helin caruurtu cunto isudheelitiran waxay aad ugu nugul yihiin cudurada, cabuqa ilma aragtada, waxaana hoos udhaca difaaca jidhkooda.

Hooyo walba ama barbaariye walba haka fekero cunta uu ilmaha uu korinaayo siinayo waxyaabaha ay kakooban tahay inay tahay mid uu kahelaayo dhamaan waxyaabihii ilmahan ka caawin lahaa koritaankiisa.

Insha qormooyin kale oo badan ayaan halkan ku wadaagi doona oo ku saabsan cuntooyinka caruurta waxtarka uleh, iyo cuntooyinka nafaqooyinka kujira ee laga helo.


W/q: Xamda Nasrudiin

Comments