π•†π• π•™π•šπ•Ÿπ•₯𝕒 𝕔𝕒𝕣𝕦𝕦𝕣π•₯𝕒.

 


Oohintu waa luqada keliya ee ay caruurtu kuhadlaan markay dhashaan ilaa  intay kabaranayaan hadalka.

Oohinta waxay adeegsadaan markay wax ubaahdaan, waxay kaloo adeegsadaan markay dareemayaan xanuun, gaajo si kastoo loo eego ama loo sheego waa luqada keliya ee ay inagusoo gaadhsiin karayaan waxay ubaahanyihiin iyo cabashadooda.

Markasta oo ilmuhu ooyo waxa jirta wax uu tabanayo, waxay tahayna in markaa hooyadu iskudaydo inay fahanto oohintaa. Ilmuhu haduu hooyada uxiiso inay qabato inay dhunkato inay laabta geliso wuxuu kusheegta oohin kadib markay ilmihii hooyadii qabato dhunkato oo uu urteedii uriyo wuu iska aamusaa, haduu cidloodo sidoo kale wuu ooya marka loo yimaadana xitaa isaga oo aan lala hadlin ayuu aamusaa oo laga yaaba mararka qaar inuu bilaabo qosol iyo xaraarad isla markiiba. Ilmuhu markuu sito dhar aan ku munaasib ahayn jawiga uu dareemayo ama lagu jiro wuu ooyaa isagoo ama kul dareemaya ama dhaxan.

Hooyaduna waa qofka ugu badan ee dareema marwalba waxa ilmahaasi tabanaayo mararka qaarna waxa jirta inay adkaato inay hooyadu fahmi waydo waxa sababaya oohinta, waana hadii uu ilmuhu yahay ilmo oohin badan, waana udhalasho tan inay jiraan caruur oohin badan oo iska ooya marar badan sabab la’aan.

Ilmuhu hadii uu jiro xanuun wuu ooyaa se waa oohin kaduwan oohinta caadigaa oo ilmaha oohintiisu waa mid sii gundheer oo ilmihii aad kadareemayso inuu xanuun jiro.

Wuxuu kaloo la ooya cabsida haduu dareemo cabsi wuu ooya, haduu arko isagoo hurda riyo xun markiiba wuu islaboodaya wuxuuna bilaabaya oohin markaasna waxa lagu garanaya ma ogolaanayo ilmuhu in laga agfogaado, hadii laga yar durkana wuxuu bilaabaya oohin waxa lagayaaba inuu ilmihii jeclaysto oo weheshado in gacanta lakorsaaro ilaa uu hurdadii kunoqonayo.

Hadii xafaayadu kuqoydo oohin ayuu kumuujiyaa isagoo dhibsanaya xafaayada qoyan uuna ubaahanyahay in laga bedelo.

Waxa jirta ilmuhu in uu wax rabo wixiina uu arkaayo se ilmuhu aanu usheegi karayn hooyada ama qofka barbaariyahaa, ilmihiina uu ooyo uun xaaladaas oo kale waxa fiican in ilmaha loo yeesho indhihiisa dhug halka aya kumaqanyihiin, ama aad u eegayaan markay ooyayaan ee lays leeyahay aamusiiya ee ilmihii aamusi waayo.

Oohinta ilmuhu waxay ubaahantahay fahan badan.

Waxa jiro caado dhaqameed ladhaho ilmaha oohinta waa looyara daaya oo ilmihii wuxuu kahelayaa ad adeyg siiba wiilasha oo ladhaho xitaa laabta ayaa usafaysanta, tana maaha wax suuragal ah waa wax iska khuraafad ah. Ilmuhu haduu ooyo qabo oo iskuday inaad ufahanto sababta uu u ooyayo waxa uu tabanaayo. Ilmahan wax kasta oo uu tabanaayo ama doonayo wuxuu kumuujiyaa oohin.

Hadii ilmaha lanuujiyo naaska in kayar baahidiisa ama kabadan baahidiisa wuu ooya oo tabashadiisa oohin ayuu kugudbinayaa.

Hooyooyinka waxa kudhaca niyadjab hadii uu ilmuhu yahay ilmo oohin badan mana siiba ilmaha koobaad, se maaha wax loo baahanyahay ilmaha hadii hooyadii ay fahmi waydo oo ilmihii oohintiisu noqoto mid joogta waxa haboon inay utagto dhakhtar caruureed si’uu usiiyo talooyin kuhaboon oo ay kula dhaqanto ilmaha oo ay raacdo xiliyada ilmahani ooyayo.

Comments