Qormadeenan waxaan kaga hadli doona waxa ay tahay barbaarin.
Barbaarinta
ilmahu: waa ilmaha oo dhamaan dhinacyada nolosha laga koriyo,
haday tahay jidh, maskax,fikir,qiyam, dhaqan iyo ruux ahaan lanasoo saaro ilmo dhamaystiran.
Hadaba hadaan Somali nahay ubadkeena
90% waxan ka korinaa hal dhinac oo kamida barbaarinta ilmuhu ubaahanyahay taas
oo ah jidh ahaan, waxaan naqaan uun caloosha ubuuxi, jidhkiisuna hakoro. Kadib waxaan
soo saarna qolfi madhan oo jidh ahaan uun ukoran. Tana waxaan kadhaxalnay
bulshadeenu qaabka ay unooshahay iyo sida waalidkeen inooso koriyay isna
waalidkii usoo koriyay, se dunidan ama casrigan aan maanta joogno taasi shaqayn
mayso oo ilmihii wuxuu ubaahan yahay dhamaan dhinacyada nolosha in loo
diyaariyo oo laga koriyo.
Barbaarinta korinta ilmuhu
waxa ay tahay ama ugu muhiimsantahay 7sano ee ugu horaysa ee noloshiisa, 7sano
waxay tahay inuu ilmahaasi helo qof sifiican u barbaariya oo garanaya waxay
tahay barbaarinta waqtigaa lamarayaa, ilmaha kuma barbaarin karot ii laynagusoo
barbaariyay sababtuna waxay tahay isku waqti majoogno kala waqti ayaan nahay
khataro badan oo maanta jira ayaan jirin waqtigii uu barbaaray waalidka ilmaha
korinayaa. Waxa lagayaaba maanta inaanad dhex jooginba bulshadii aad kusoo dhex
barbaartay.
Ilmaha barbaarintiisa waxa
iyana qayb aad uweyn kaqaadata mujtamaca lagu dhex korinayo hadii mujtamicii
iyo ilmii la barbaarinayay noqdaan laba kaladuwan way adkaan karaysaa taasna
waxa keliya ee lagaga bixi karaa waa iyadoo labarto waxay tahay barbaarinta
haboon ilmihiina loo noqdo waxa aad isleedahay ku barbaari ILLAAHAY s,w,t lala
talo saarto. Ilmuhu intuu yar yahay waxa loo sheego maqaato keliya wuxuu qaata
uun waxa uu arko. Waa cejelad madhan oo duubaysa wax kasta oo aad samayso. Markaa
markaad tahay barbaariye waxa kuu fiican inaad dhaqamada wanaagsan iskuxeerto
marwalba aad samayso si ilmahan uu kaaga arko kadibna uu adi kaaqaato adaan
ubagudbin ilmihii oo aan gaadhsiin.
Waalidka ilmaha barbaarinaya
hooyada iyo aabuhu waa inay iskula socdaan barbaarinta ilmaha hadii aan lagu
wada socon barbaarintu way adkaanaysaa waa in si iskumida oo laysla ogyahay
ilmahan loo barbaariyo, maanta ilmihii hadii aad isleedahay ilmihii dabeecad uu
leeyahay bedel se aabihii ama hooyadii kuwada socon, caruurtu aadbay u caqli
badanyihiine way idinka dhex faa’idaysanayaan oo qofkan iskudayaya dabeecadan
inuu ilmaha ka baabi’iyo mooye ka kale ayuu dhiniciisa marayaa. Halkaasna waxa
ka imanaysa inay adkaato ilmaha in laga baabi’iyo dabeecad xun oo uu leeyahay
ama wax bara lays leeyahayba, markaa aadbay muhiim utahay in barbaarinta ilmaha
siwadajira loo wada wado.
Marwalba aan niyada kuhayno
inaan soo saarno jiil wanaagsan oo naftooda iyo dadkaba anfac, jiil dunidan wax
kusoo kordhiya, jiil soo saara farac wanaagsan in ay noqdaan qaar RABIGOOD u
hogaansan oo wuxu faray qaadanaaya wax kasta oo uu kareebayna kategaaya, qaar
maalinta aad ifkan katagto kuuso duceynaya oo ah waladkii saalixa ahaa ee uu
Nebigeenu s,c,w uu inoosheegay marka bani’aadamku dhinto ee camalkiisu istaago
inuu waladka saalixa uu kamid yahay sadexda camal een aan istaagin ee qofkii
usii shaqaynaya isagoo aan noolayn.
Goorma ayay bilaabataa
Barbaarinta iyo Tarbiyada ilmaha?
Barbaarinta ilmuhu waxay
bilaabata marka lamaanuhu isdooranayo ee uu xulanayo qofka kale ee uu nolosha
laqaybsan doono, hadii ILLAAHAY s,w,t awlaad siiyana uu uga dhigaayo hooyo ama
aabo, hadad udoorto hooyo ama aabe waxbadan kafahansan barbaarinta, leh aqoon
diimeed iyo mid maadiba naftiisa utaagan horumarintiisa marwalba. Ilmahaagu
wuxuu helayaa barbarian fiican hadii taa cagsigeedu timaadana ilmahaagi halkaas
waxa kuhalaabtay bilawgii barbaarintiisa.
Waxa aad iyo aad uhaboon arintaa
in laga fiirsado qofka aad uga dhigayso ilmahaaga hooyo ama aabe, Ilmahaaga waxa
kuxidhan mustaqbalkiisa oo dhan aduunkiisa iyo aakhiradiisaba.
Hadii barbaarintu inoo toosto
waxa toosaya wax walba oo nolosheena oo dhan khuseeya waxa inooso baxaaya jiil
kabedelan kan manta oo wax badan oo wanaaga aan ka filanayno ee aan ku dadaalno
inaan xooga saarno sidaan nafaheena ubari lahayn barbaarinta haboon aan
lasoconana maalin walba waxa kusoo kordha barbaarinta, waayo xirfadan barbaarintu
waa wax mar walba ay wax kusoo kodhayaan oo aan meel iska taagnayn. Ubadka labarbaarinayana
aan ILLAAHAY la kaashano inoo inala barbaariyo.
Comments
Post a Comment