ℍ𝕦𝕣𝕕𝕒𝕕𝕒 𝕔𝕒𝕣𝕦𝕦𝕣π•₯𝕒.

 

Hurdadu waa baahi muhiima oo kamida baahiyaha aadmiga, Hurdadau ilmaha waxay siisasa nasasho, degenaan iyo koriin jidheed Hurdadu waxay kor u qaadaa caqliga, dhiiranaanta, xasuusta iyo maskax-furnaanta ilmaha.  Carruurta hesha hurdo ku filan waxay ka caafimaad badan yihiin kuwa aan helin hurdo ku filan. Sidoo kale, carruurta aan seexan saacado hurdo oo ku filan waxay ka rabshad badan yihiin kuwa waqti kufilan seexda.

Caruurtu intay sanad kayaryihiin waa in aad iyo aad looga warhayaa markay seexdan oo la eega inay sifiican u hurdaan, waqtiyada ilmuhu isroga barto sidoo kale isna waa in aad loo ilaaliyaa waxa halisa in ilmihii intuu isrogoo beerka dhigo afkii iyo sankii gogoshu naqaski kuceliso oo uu ilhii naqasku qabto oo ilmihii sidaa kudhinto. Sidoo kale waxa haboon ilmaha xoolka, furaashka hadba waxa uu kuseexanayo waa in maryaha aad loogu yareeyo oo ilmaha aan lays dhihi maryo badan huwiya maryahaas ilmaha khatar ayay kukeeni karaan haduu soo jiito oo wejiga iskaga maro naqaskaa kudhegi karo taasna aad halooga digtoonada oo ilmaha waqtiga uu hurdo halagu sameeyo marba kormeer lagu ogaanayo siduu uhurdo.

Waqtiyada maalinkii hooyadu waxay isticmaali kartaa baby monitors  oo ah qalab sahlaaya hooyadu inay ilmaha kulasocoto xaaladiisa qaar kamida coda haan oo keliya ayay hooyadu ilmaha ulasocon kartaa qaarkoodna camerad ayay leeyihiin ay halkaas ka arkayso ilmaha dhaqdhaqaaqiisa iyo xaaladkasta oo uu kusugan yahayba.

Ilmaha gaadhay xiligii xadaanada ama waxbarashada bilawgeeda waa in ilmaha loogu dadaalo inuu seexdo hurdo ku filan habeenkii, waa in loo sameeyo  waqti go’an oo uu seexdo habeen walba, waa in laga ilaaliyo ilmuhu inuu seexdo galabkii si’aanu habeenkii useexan waayin oo aanu jadwalku uga khalkhalin. Hurdada ilmuhu seexdo maalintii waa inay noqotaa waqti yaroo cayiman oo ilmuhu uu kuhelo nasasho iyo firfircooni uun. 

Hurdada ilmuhu waa inay yeelataa jadwal uu waalidka iyo ilmuhuba isla bartaan oo waqtigaas loo ilaaliyo ilmaha .

Qodobo yar yar oo ka caawinaaya hurdada ilmaha.

§  Ilmaha haduu gaadhay waqtiga cuntada lasiiyo ugu yaraan 3saacadood kahor goorta aad seexinayso cuno ha ugu dambayso.

§  Ilmaha usoo caday oo afkiisu hanoqdo mid nadiifa.

§  Ilmaha waqtiga aad seexinayso 1saac kahor ugusoo maydh biyo diiran si jidhkiisu uga hadho daalkii uu kaqaaday ciyaartii maalinimo una furfurmo.

§  Dharka hurdadu waa inay noqdaan dhar kumunaasiba jawiga hadba lagujiro kulul; dhar fudud halka jawiga qaboowga dhar culus oo dhaxanta kaceliya ilmaha.

§  U akhri ilmaha intaanu seexan kahor buugaagta sheekooyinka ama sheekooyin yar yar uga sheekee.

§  Qolka ilmaha uu seexanaayo hanoqdo mid degan oo aan lahayn iftiin badan ee uu noqdaa mid iftiin aad uyar leh.

§  U akhri ilmaha ducooyinka hurdada si’uu ubarto beri ka maalin markuu habeen walba kaa maqlo adoo u akhrinaaya, Caruurtii wixii lagu celceliyo way bartaan.

§  Ilmaha hadaad seexiso qol ugaara ka warhay oo soo eeg habeenkii siduu uhurdo.

Waalidiintu waa inay isha ku hayaan haddii ilmahoodu dhib dhinaca hurdada ah ay la soo gudboonaato. Waxaa jira xanuuno ilmaha hurdo la’aan ku keena sida marka ilmuhu hurdada dhexdeeda naqasku kuqabto. Waxyaalaha keena in ilmaha naqasku qabto hurdada dhexdeeda waxaa ka mid ah alleerjiga, jirooyinka habdhiska neef-mareenka ku dhaca, ilmaha leh xoqado xanuunka xoqadaha oo barara iyo mararka qaar sanka ilmaha hilbo ka soo baxaan.

Caruurta naqasku qabto hurdada dhexdeeda waxay leeyihiin calaamadaha kala ah neef-qabatin, khuuro, galgalasho badan.  Cayilka saa’idka ah isna wuxuu keeni karaa khuuro.  Sidoo kale, waalidiintu waa inay fiiriyaan in ilmuhu hurdada dhexdeeda ku qarwaan, qaar kamida caruurta  iyagoo oo hurda ayay socdaan.  Calaamadahaan sare ku yaal haddii aad ilmaha ku aragto tus dhaqtar ama khabiir hurdada kaala taliya oo kusheega sidaad uga hortagi lahayd.

Carruurta aan habeenkii hurdo ku filan helin waxaa lagu gartaa daal maalintii ah, caajis, xanaaq iyo ilmaha oo iskuulka ku lulmooda.

Comments